Jaamacadda Jazeera ayaa wadda isbuucii 7-aad deeqdaan isugu jirta daawooyinka & dharka ay gaarsiineyso dadka barakacayaasha ah

1

Jaamacadda Jazeera ayaa wadda isbuucii 7-aad deeqdaan isugu jirta daawooyinka & dharka ay gaarsiineyso dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka Magaalada Muqdisho.
Dhakhaatiirta, ardayda & maamulka Jaamacadda ayaa bilaabay dadaaladaan waxtarka u leh bulshada tabarta daran xilli ay aad ugu baahnaayeen barakacayaashu in la gargaaro.
Sidoo kale Jaamacadda Jazeera ayaa u dirtay baaq loogu gurmanaayo barakacayaasha dhamaan bahda waxbarashada iyadoona dadkii ugu horeeyay ee kasoo jawaabay baaqii Jaamacadda ay noqdeen arday kasocotay Dugsiga Sare ee Ibnu-Khuzeyma qeybta Laba dhagax oo dhar u qeybiyay dadkaasi iyagoona sheegay iney sii wadi doonaan kaalmadaani waxtarka u leh dadkaan masaakinta ah ee u baahan.
Ardaydaan kasocotay Iskoolka Ibnu-khuzeyma ayaa sheegay iney gaarsiin doonaan baaqa Jaamacadda ee ah in la gargaaro barakacayaasha Iskoolada kale ee walaalahooda.
Dr Luul Maxamed Maxamuud oo ah hormuudka Kulliyadda Caafimaadka & Qaliinka Jaamacadda Jazeera ayaa uga mahadcelisay ardayda damqashada & damiirka badan ee Ibnu-khuzeyma sida deg dega ah ee ay uga soo jawaabeen baaqii Jaamacadda iyadoona Maama Luuleey ay ugu baaqday iskoolada kale iney u soo gurmadaan barakacayaasha.
Ugu dambeyn Maxamed Maxamuud Cilmi oo ah gudoomiyaha Barnaamijka Caawiye ee ardayda Dugsiyada Sare ayaa si aada uga mahadceliyay Xafiiska Warfaafinta Jaamacadda Jazeera baqoodii ahaa in lagargaaro dadkaan dhibanayaasha ah, isagoona sheegay iney xilli kasta garab joogaan Jaamacadda sidii loo kaalmeyn lahaa dadka u baahan kaalmada.

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

 

Jazeera University

 

 

Blog Attachment

Leave us a Comment