Ardada Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Jazeera oo ku jira laylin ku saabsan habka loo qaado cabbirada kala duwan

Ardada Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Jazeera oo ku jira laylin ku saabsan habka loo qaado cabbirada kala duwan ee Tobogaraafiyada iyadoo la adeegsanayo qalabka wax lagu cabbiro oo kala jaad ah. Cabbirkan hadda oo ay ardadu ku howlanyihiin oo nuxurkiisu yahay habka loo adeegsado Xaglo Gudeedka iyo Xaglo dibadeedka marka qaarna ay soo dhexgeli karaan Xaglo midigeedyo iyo Xaglo bedxeedyo oo dhamaantood gacan ka geysanayo in la helo bedka guud ee dhulka cabbirka laga qaadayo iyo Ko’ordinaadka jaheeya hab u socodka cabbirka xakameeysan.
Inkasta oo ay arddadu badankeed ku shaqeynayeen qalab u badnaa Tiyoodolaadyada casriga ah kuna shaqeeya hab danabeed ku shaqeyntiisuna ay tahay mid aad u fudud, waxaa jira arddada qaar ka mid ah oo aad u xiiseeynayey ku shaqeynta qalabki qaaraamiga ahaa oo ku shaqeeyn jiray ileyska sida Tiyoodolaadka loo yaqaan Salmoiraghi 4150-NE iyo Wild T-16 oo la kala isticmaali jira berisamaadki ama sannaddadii 1940-dii iyo 1980-dii inkasta oo ay ku shaqeeynta qalbkaa duugga ah arddadii ku shaqeeysay kala kulmeen dhib iyo kadeed aad oga badan kan casriga ah haddana waxaa xaqiiq ah in ay haboontahay in arddadu arkaan soo yaalka taariikh ee Tobogaraafiyadu soo martay.
Araddada waxaa laylinayey Macalinka Maaddada dhiga Eng. Cabdullaahi iyo 3 Injineer oo kaalinayey waxeyna ku soo dhamaatay si nabad ah.

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

9

 

Blog Attachment

Leave us a Comment