Ardyda Jaamacadda Jazeera oo loo qabtay Siminaar Cinwaankiisu ahaa Goor & Meel kuna saleysanaa aragtiyada Islaamka.

9

Ardyda Jaamacadda Jazeera oo loo qabtay Siminaar Cinwaankiisu ahaa Goor & Meel kuna saleysanaa aragtiyada Islaamka.
Siminaarkaan ayaa waxaa bixinaayay Dr Saadaq Eenow oo ah Sheekh, Mu’arrikh & Pediatric Specialist, wuxuuna ka dhacay Campus Three.
Ardayda kala duwan ee Jaamacadda ayaa si aada uga faa’iideystay Siminaarkaan qiimaha & waxtarkaba u lahaa iyagoona si aada uga mahadceliyay Dr Saadaq waqtigiisa qaaliga ah ee uu u soo huray.
Dr Saada Eenow ayaa ka waday baryahaan xarumaha kala duwan ee Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho Siminaaro garaadkooda aqooneed kor loogu qaadaayay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Caasimadda Muqdisho.
Ugu dambeyn Siminaarkii Maanta ku saabsanaa Goor & Meel (Time and Space based on Islam Perspective) ayaa ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah isagoona Dr Saadaq u ballan qaaday ardayda jaamacadda Jazeera inuu marar kale u soo laaban doono si uu ugu faa’iideeyo.

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

 

Jazeera University

Jazeera University

Blog Attachment

Leave us a Comment