Ardayda Kulliyadda Injineeriyada oo loo qabtay tababar ku saabsan sidoo loo qaado caabbirka Taxana Barbareedka (Longitudinal Profile) iyo kan jeex-gudubyada (Cross-sections)

Featured

Waxeey ardada Jaamacadda Jazeera gaar ahaan Kulliyadda Injineeriyada tababar ku saabsan sidoo loo qaado caabbirka Taxana Barbareedka (Longitudinal Profile) iyo kan jeex-gudubyada (Cross-sections) ku sameeyeen waddo waddooyinka Xamar, caabirada ceynkaasiyana waxeey aalaaba saldhig u yihiin daraasadaha dhaqan-gal-hor ee loo sameeyo waddooyinka dhismahoodu la darsayo.
Waxaa hubaal ah in tababarkaan ay arddada kala kulmeen xanuun badan sababna ay u ahaayeen cimilada oo aad u kululeeyd iyo gaadiidka oo ciirsi mooday waddada cabbirka laga qaadayey sidaana ay howshii ku noqotay mid socodkeedu gaabis, waxaase taa looga sabri ardadoo ku bartay xirfado cusub oo looga gudbi karo caqabadahaa lama filaanka ahaa.
Baraha maaddada dhiga waxuu u mahad celinayaa Injineeradii kaalinta ka qaatay tabarkaa sida Inj. Cabbas Isxaaq , Inj. Maxamuud Axmed iyo Inj. Maxamed Cismaan oo lahaa qaban qaabada diyaar growga tababarkaa ku soo idlaaday si nabada ah.

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Blog Attachment

Leave us a Comment