Maamulka, Macalimiinta & Ardayda Jaamacadda Jazeera oo baaritaano & Daawooyin lacag la’aan ah u sameeyay dad barakacayaal ah.

4

Iyadoo dadka danyarta eek u jira xeryaha barakacayaasha muqdisho oo la ildaran dhibaatooyinka xagga caafimaadka, waxbarashada & nolosha aasaasiga ah ayaa maanta dhakhaatiirta & ardayda wax ka barata Jaamacadda Jazeera oo ay hogaamineyso Madaxa Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Jazeera Drs Luul Maxamuud Maxamed waxa ay deeq dawo & baaritaano caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyeen dadka barakacayaasha eek u nool duleedka magaalada Muqdisho.

Drs Luul Maxamuud Maxamed ayaa sheegtay in barnaamijkaan ay bilaabeen sanadkii hore iyadoona sheegtay u jeedada barnaamijkaan laga leeyahay iney tahay in loogu tago dadka barakacayaasha goobahooda si loo ogaado xaaladahooda caafimaad darro, waxbarasho & nololeed intaba si ay ugu qabtaan waxii tabartooda ah iyadoona sidoo kale sheegtay iney si gaar ah u daneynayeen haweenka, caruurta, dadka da’da ah waxay kaloo tilmaantay Drs Luul iney sanadkii tagay ay dhow jeer u sameeyeen dadkaan dhibaateysan gargaar caafimaad, dhar & bacaha roobka laga galo iyadoona ugu baaqday bulshada kale iney qeyb ka noqdaan garab istaagga dadkooda u baahan waxtarka.

Dhakhaatiirta lagu wado iney dhawaan ka soo qalin jabiyaan Jaamacadda Jazeera ayaa qeyb ka ahaa dadkii daawada siinaayay dadkaan si ay aqoon kororsi ugu noqoto ayna u fuliyaan howshii labaray iyagoona lahadlaayay warbaahinta ayay sheegeen dhakhaatiirtaan cusub iney aad ugu faraxsanyihiin wax u qabashada dadkooda ugana mahadceliyay Maamulka & Macalimiinta Jaamacadda Jazeera dadaalkii weyna & garab istaaggii ay u sameeyeen intaba.

Kulliyadaha howshan sida wada jirka ah u sameynaayay waxaa ka mid ahaa Medicine & Surgery, Public Health & Health Sciences iyadoo dhamaan ardaydii ka kala socday Kulliyadahaasi & Maamulkii & Macalimiintii garab joogtayba ay si wanaagsan ugu soo dhamaatay howshii ay u baxeen.

Dadkii danyarta ahayed ee adeegga caafimaad loo sameeyay ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Jazeera maamulkooda, macalimiintooda & ardaydoodaba gargaarkii ay u sameeyeen iyagoona sheegay ineysan aheyn markii ugu horeysan ee Jaamacaddu howshaan u qabatay, waxeyna ka codsadeen iney sii joogteeyaan dadaalkaas waxtarka badan u leh dadka barakacayaasha ah.

Sawirada:-

Jazeera University

1.1

Jazeera University

2

Jazeera University

Jazeera University

Jazeera University

Blog Attachment

Leave us a Comment