Jaamacadda Jazeera oo ka mid Noqotay…

JAZEERA-AGREEMENT

Jazeera University:Wafdi heer sara ah ee uu hogaamianayay xoghayaha guud ee midowga  jaamacadaha carabta Dr. Sultan Abu Curraabi, Guddoomiyaha Jammacadda Bariga dhexe ee urdun (Middle East University) Dr. Maahir iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdishu Dr. Ali oo u kuurgal iyo qiimeyn ku sameynayay  jaamacadaha Soomaliya gaar ahaan  jaamacadaha ku yaal Muqdisho.

Wafdigaas oo labo jeer booqasho ku yimid jaamacadda jazeera  xarumaheeda  11/08/2016 iyo 16/08/2016, Waxaa halkaas  ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda Jazeera  Dr. Ibraahim Moaxamed Xuseen, Guddomiye ku-Xigeenada waxbarashada iyo Maamulka, Diiwaan hayaha guud ee Jaamcadda, Madaxda Kulliyadaha iyo Guddomiyaha Golaha Tashiga.  Gudoomiyaha Jaamacadda Jazeera Dr. Ibrahim ayaa warbixin guud oo ku saabsan jaamacadda, waqtigi la asaasay, hadafka dhow iyo midka fog ee Jaamacadda siiyay Wafdiga, Siddo kale waxuu tusiyay qeybaha kal duwan oo ay jaamacaddu ka koobantahay.

Kadib qiimeyn iyo falaqeyn dheer ay sameeyeen wafdigaas waxay oglolaadeen in Jaamcadda Jazeera ey ka mid noqoto saddexda jaamacadood oo cusub ee ka mid noqonaayo midowga jaamacadaha carabta(association of Arab Union). Qoraal ka soo baxay 18/08/2016 Xafiiska Xoghayaha Guud ee Midwga Jaamacadaha Carabta ayaana lagu caddeeyay. Waxaa horay muddo dheer uga mid ahaay Ururka Jaamacadaha Carabta Jaamacadda Muqdisho oo haddana door weyn ka qaadatay in ey ku biiraan Jaamacadahan cusub eek u yaal Muqdisho.

Jaamacadda Jazeera oo ka mid noqotay Midowga jaamcadaha Carabta waa guul u soo hoyatay ummaada soomaaliyeed gaar ahaan reer muqdishu iyo bahda tacliinta oo dhan.

Blog Attachment

Leave us a Comment