Jaamacadda Jazeera oo gudoontay shahaadada ka mid noqoshada midawga Jaamacadaha Carabta

Munaasabad ballaaran oo lagu gudoonsiinaayay Jaamacadda Jazeera Shahaadada kamid noqoshada Midawga Jaamacadaha Carabta ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay xoghaya guud ee midowga Jaamacadaha Carabta DR SULDAAN ABUU CURAABI, Maamulka Sare ee Jaamacadda Jazeera & qaar kamida mas’uuliyiinta sare ee Jaamacadaha Muqdisho.

Gudoomiyaha Jaamacadda Jazeera Prof Salaad Ibraahiim Fiidow & Gudoomiyihii hore Dr Ibraahiim Maxamed Xuseen ayaa si wada jira uga gudoomay xoghayaha guud ee midawga Jaamacadaha Carabta Shahahaadada ka mid noqoshada midawga Jaamacadaha Carabta, waxaana ku wehlinaayay munaasabadda shahaado gudoonsiinta gudoomiye kuxigeenka dhinaca maamulka & maaliyadda Prof C/razaaq Maxamed Aw Aadam.

Ugu dambeyn maamulka sare ee Jaamacadda Jazeera ayaa hadiyad ku gudoonsiiyay xoghayaha guud ee midawga Jaamacadaha Carabta DR SULDAAN ABUU CURAABI.

01

0302

Blog Attachment

Leave us a Comment